Barcelona ayaa si bilaash ah kula soo saxiixanaysa Ruben Neves, sidaas waxaa sheegay wariyaha Diario Sport ee Lluis Miguelsanz.
Catalans ayaa heshiis 4 sano ah ka saxiixanaya xiddiga reer Portugal.
Ciyaaryahanka ayaa Barcelona ugu biiraya heshiis is dhaafsi ah iyada oo Wolves heli karto midkood xiddigaha Ansu Fati, Abde iyo Sergino Dest.
Saxafiga lagu kalsoonyahay ee Gerard Romero ayaa sheegay in uu Neves ku biiri doono kooxda Barcelona sabab la xidhiidha wakiilkiisa Jorge Mendes oo ka shaqaynaya in uu heshiisku dhoco.
Ruben Neves ayaa la filayaa in uu noqdo badalka Sergio Busquets oo xaqiijiyay in uu isaga tagayo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Related



Source link