Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay qarka u saaran tahay saxiixa kabtanka kooxda Wolves ee Ruben Neves ‘maalmaha soo socda’.
Xavi ayaa isha ku haya inuu wax ku soo kordhiyo kooxdiisa, waxaana Neves si weyn loola xiriirinayaa inuu ka tagayo Molineux.
Sida laga soo xigtay AS, heshiis ay wada gaareen dhammaan dhinacyada kala duwan ayaa ku haya lacag dhan 26 milyan oo euro.
Warbixinta ayaa sheegeysa in Xavi uu xoogaa rajo ah ka qabo 26 jirkaan, iyadoo heshiiska ay soo agaasimeen madaxweynaha Barcelona Joan Laporta iyo wakiilka Neves ee Jorge Mendes.
Hadii uu Neves ka tago kooxda Barcelona waxa ay keeni kartaa in uu xiddiga khadka dhexe ee Franck Kessie uu ka tagi dooono kooxda Barcelona kadib hal xilli ciyaareed oo uu joogay.
Neves ayaa ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee kooxda Wolves kulankii ay Arsenal guusha weyn ee 5/0 ah ka gaadhay kooxda Wolves Axadii.

Related



Source link