Barcelona ayaa kula heshiisay Manchester City qiimo dhimis dhan 24.3 milyan si ay qaab toos ah ula wareegto xiddiga Joao Cancelo.
Xissig reer Portugal ayaa haatan amaah kula jooga Barcelona ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka kadib markii ay kooxdu ku dhibaatootay in ay iibsato xiddiga.
City ayaa markii hore doonaysay in ay ku iibiso xiddiga lacag ku dhaw 55 milyan oo euro laakiin waxa ay ku fashilantay in ay hesho koox bixinaysa lacagtaas.
Si kasta ha ahaatee kooxda Barcelona ayaa haatan Man City kala heshiisay saxiixa xiddiga iyaga oo ka bixinaya lacag aad u yar.
Wararka ayaa sheegaya in ay Kooxda Barcelona bixinayso lacag dhan 24.3 milyan si ay qaab toos ah ula wareegto xiddiga reer Portugal.
Cancelo ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku bilowday kooxda Barcelona isaga oo u dhaliyay 2 gool halka uu mid kale caawiye ka noqday.

Related



Source link