Kooxda Barcelona ayaa ugu dambayn dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Man City ee João Cancelo.
Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ay Barcelona iyo Man City haatan is dhaafsanayaan warqada heshiis kadib markii la saxiixay.
Xiddiga João Cancelo ayaa isku diyaarinaya in uu haatan u duulo Barcelona si uu tijaabada caafimaadka ugu maro kooxda.
João Cancelo ayaa Barcelona ugu biiraya heshiis hal sano ah oo amaah ah oo uu ku joogayo kooxda ku ciyaarta Camp Nou.
Sidoo kale kooxda ayaa dookh u haysata in ay qaab toos ah ula wareegto xiddiga hadii ay ku qancaan xagaaga dambe.

Related



Source link