Kooxda Barcelona ayaa qorshaynaysa in ay dalab ka wada gudbiso labada xiddig ee kooxda Man City ee Bernardo Silva & Joao Cancel sida ay sheegayaan wararka imanaya Spain.
La Liga ayaa u sheegtay Barcelona in ay mushaharkooda dhinto 200 milyan oo euro hadii ay ka qayb galayaan horyaalka xilli ciyaareedka dambe laakiin taas ayaan Barcelona ka hor istaagin in ay xoojiso kooxda suuqa kala iibsiga xagaagan.
Xiddigaha Ilkay Gundogan & Inigo Martinez ayaa ku soo biiray kooxda iyaga oo kula soo wareegay qaab xor ah.
Haatan kooxda Barcelona ayaa diyaarinaysa Laba dalab oo ay ku doonayaan saxiixa xiddigaha Bernardo Silva & Joao Cancelo.
Barcelona ayaa doonaysa in ay istcimaasho lacagtii ay ku iibisay xiddiga Ousmane Dembele.

Related



Source link