Barcelona ayaa diyaar u ah inay “dagaal” la gasho PSG haddii kooxda heysata horyaalka Ligue 1 ay dhameystirto saxiixa Ousmane Dembele, sida ay sheegayaan wararku.
Dembele ayaa daah furay goolasha kulankii ay Barcelona 3/0 kaga badisay kooxda Real Madrid kulankii El Clasico Isbuucaan, laakiin xiddiga reer France ayaa diyaar u ah in uu dhabarka u jeediyo Barcelona kuna laabto Dalkiisa halkaasoo laga yaabo inuu noqdo bedelka Kylian Mbappe. ee Parc des Princes.
Barcelona ayaa ku adkaysanaysay in uuna xiddiga 26 jirka ah ka tagi doonin kooxda xagaagan laakiin arintaas ayaa ka baxsan gacmohooda maadama ay PSG diyaar u tahay in ay bixiso lacagta lagu bur-burin karo heshiiska xiddiga oo haatan ah 50 milyan oo euro.
Sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, Barcelona ayaa diyaar u ah inay kacdo.
Barcelona waxay diyaar u tahay inay dagaal la gasho PSG haddii kooxda reer France ay bixiso lacagta lagu burburin karo qandaraaska Ousmane Dembele.
Si taas loo sameeyo, waxay aadi doonaan UEFA waxayna ka dalban doonaan maamulka kubbadda cagta Yurub inay furaan baaritaan ku saabsan in PSG ay u hoggaansanto xeerka dhaqaale wanaaga iyo in ay codsan doonaan in ay ogaadana halka ay ka helaan dhaqaalaha.

Related



Source link