Garoowe (soomaalinews.com) – Xildhibaanada golaha wakiilada maamulka Puntland ayaa ugu dambeyn go’aan kasoo saaray wax ka beddalka Dastuurka maamulkaas oo ay si weyn  isugu hayeen madaxweyne Saciid Deni iyo xubnaha mucaaradka ee Puntland.

Kulanka golaha oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan guddoomiye ku-xigeenka  1-aad  Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo guddoomiye ku xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame, waxaana sidoo kale soo xaadiray 35 Mudane oo ka tirsan golaha wakiilada dowlad goboleedka Puntland.

Ajendaha kulanka yaa ahaa soo jeedinta wax- bedelka DastuurkaPuntland oo ay golaha u soo gudbiyeen guddiga gaarka ah ee falanqeynta wax-ka-bedelka Dastuurka Puntland.

Intaasi kadib xildhibaanada ayaa galay dooda ku aadan ajendaha, waxaana ogol ugu codeeyay 34 mudane, siodoo kale waxaa diiday mudane, mana jirin cid ka aamustay, sidaasna ansax ku noqday soo jeedinta wax-ka-bedelka Dastuurka.

Tani ayaa ka dhigay in xubnaha ay si toos ah uga doodi doono qodobada Dastuurka ee wax laga bedeli doono sida sharcigu qabo, maadaama la meel mariyay wax ka beddalka.

Talaabada uu qaaday baarlamaanka Puntland ayaa uga sii dareysa xiisadda ka taagan Garoowe oo maanta dagaal isku rogty, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada ammaanka iyo kuwa mucaaradka oo diidanaa inin la furo Dastuurka oo ugu dambeym la furay.

Dagaalka maanta ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan hal qof, ayada oo uu ku dhaawacmay mid kale oo shacab ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Ma jiro sidoo kale wax hadal ah oo illaa iyo hadda kasoo baxay siyaasiyiinta mucaaradka oo ku aadan go’aanka kasoo baxaya xildhibaanada baarlamaanka Puntland.

Si kastababa, Puntland ayaa wajaheysa xaalad hubanti la’aan ah, maadama gacab ka hadlay uu ka dhashay furista Dastuurka maamulkaasi.

 

 





Source link