Kooxda Roma ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Romelu Lukaku.
Romelu Lukaku ayaa qaab amaah ah ugu biiray kooxda AS Roma isaga oo kooxda la joogi doona inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.
Lukaku ayaan si toos ah ugu wareegi kooxda AS Roma waxana uu Ku soo laaban doonaa chelsea dhamaadka xilli ciyaareedkan.
“Taageerayaasha AS Roma waxa ay ahayeen kuwo cajiib ah, ma sugi karo in aan bilaabo shaqada”ayuu Lukaku yidhi.
Lukaku ayaa markii 3-aad ka hoos ciyaari doona tababare Jose Mourinho kadib markii uu horay ula soo shaqeeyay intii ay joogeen Man United iyo Chelsea.
Related