Mikel Arteta ayaa doonaya inuu dib u habeyn ku sameeyo khadka dhexe ee Arsenal xagaagan, waxaana uu xitaa ka fiirsanayaa inuu iibiyo Thomas Partey, sida ay wararku sheegayaan.
Gunners ayaa ku raaxaysanaysa xilli ciyaareed aad u fiican laakiin waxa ay ku fashilantay in ay ku guulaysato horyaalka premier League iyaga oo u waayay Man City.
Arteta ayaa haatanba isku diyaarinaya xilli ciyaareedka cusub waxana uu doonayaa in uu xoojiyo khadka dhexe ee kooxdiisa.
Xiddiga West Ham ee Decland Rice ayaa ah bartilmaameedka 1-aad ee Arsenal iyada oo sidoo kale lala xidhiidhinayo xiddiga Brighton ee Moises Caicedo iyo xiddiga Man City ee Ilkay Gundogan.
Sida laga soo xigtay The Mirror, Arteta ayaa diyaar u ah in uu iska iibiyo xiddiga khadka dhexe ee Thomas Partey marka la gaadho suuqa xagaaga.
Xiddiga reer Ghana ayaa noqon doona 30 jir bisha dambe waxana si aad ah hoos ugu dhacay qaab ciyaareedkiisa taas oo keentay in uu Arteta ka fikiro in uu iska fasaxo xiddiga.

Related



Source link