Tababarihii hore ee kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa qiimeeyay fursadaha kooxda Arsenal ee ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedka cusub.
Wenger ayaa kooxdiisii hore u saadaaliyay ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedka cusub.
Arsenal ayaa kaalinta 2-aad kaga dhamaystay horyaalka premier Legaue xilli ciyaareedkii hore iyaga oo Man City kula tartamay horyaalka premier League.
“Arsenal hadda waxay ku jirtaa xaalad dhaqaale oo wanaagsan, waxayna iibsatay waxay u malaynayso inay ku guuleysan doonto horyaalka”ayuu Wenger yidhi.
“Waxaan aaminsanahay in ay ku guulaysan doonto horyaalka premier League, Shaki kama qabo in ay Arsenal mar kale tartami doonto”.
Rice ayaa la filayaa in ay Arsenal siiso khad dhexe oo cusub xilli ciyaareedka dambe isaga oo wax weyn ku soo kordhin doono kooxdiisa.
Sii Akriso: Al-Shabaab Oo Go’doon Galisay Magaalo Ku Taalla Somaliya

Related



Source link