Kooxda Arsenal ayaa guusheedii ugu horaysay ka gaadhay kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub iyaga oo xasuuqay koox ay isugu yimaadeen dhamaan xiddigaha horyaalka Maraykanka.
Kulanka ayaa ahaa mid uu Mikel Arteta shaxdiisa ugu adag ku bilowday isla markaas doonayay in uu xiddigihiisa guul ku hogaamiyo.
Xiddiga Gabriel Jesus ayaa wakhti hore u bilaabay kooxdiisa goolasha waxana uu daqiiqadii 5-aad dhaliyay goolka 1-aad isaga oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Xiddiga Leondro Trossard ayaa daqiiqadii 23-aad dhaliyay goolka 2-aad isaga oo hogaanka u dheereeyay kooxdiisa.
Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay sidaas iyada oo Arsenal ka awood badantahay kooxda MLS All-Stars.
Arsenal ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay qaybta dambe waxana daqiiqadii 47-aadba gool u dhaliyay xiddiga Jorginho oo rikoodhe u badalay gool kooxdiisana u dheereeryay hogaanka ciyaara.
Arsenal ayaa is badal sameeyay qaybta dambe waxana uu soo galiyay xiddigaha aan ciyaarin qaybta hore si uu u tijaabiyo dhamaan xiddigaha kooxdiisa.
Daqiiqadii 84-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 4-aad waxana u dhaliyay xiddiga Gabriel Martinelli kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/0 ay kooxdiisu ku hayso hogaanka.
Saxiixa cusub ee Arsenal Kai Havertz ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay kadib markii uu daqiiqadii 89-aad soo taabtay shabaqada ciyaartana ka dhigay 5/0.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal guul weyn ka gaadhay kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Sii Akhriso: Dawlada Somaliya Oo Shaacisay In Ku Dhawaad 100 Al-Shabaab Ah Lagu Khaarajiyay Hawlagadlii Ugu Dambeeyay Ee Ciidanka Qaranka Somaliya
Related