Kooxda Arsenal ayaa ugu dambayn saxiixa Declan Rice kala heshiisay kooxda West Ham sida ay sheegayaan wararku.
Saxafiga Ben Jacbos ayaa haatan sheegaya in ay Arsenal qiimaha Rice kala heshiisay kooxda West Ham.
Arsenal ayaa maanta dalabkii 3-aad ka gudbisay saxiixa Rice iyada oo Gunners doonayso in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga.
Gunners ayaa miiska saartay dalab lacageed oo dhan 105 milyan oo euro si ay u dhamaystirto saxiixa xiddiga khadka dhexe.
Kadib markii ay Man City ka baxday tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga Arsenal ayaa haatan West Ham kala heshiisay qiimaha xiddiga.
Arsenal ayaa Rice ka dhigaysa saxiixa ugu qaalinsan taariikhdeeda suuqa kala iibsiga waxana ay ka dhigaysaa saxiixeeda ugu qaalisan xagaagan.
Sii Akhriso: Qaybo Ka Mid Ah Soomaaliya Oo Aan Laga Ciidin Ciidul Adxada, Sabab.

Related



Source link