Arsenal ayaa ka cabsi qabta inay lumiso xiddiga khadka dhexe ee Brighton Moises Caicedo sabab la xidhiidha in uu wakiilkiisu dalbanayo lacag badan xilli ay chelsea ku biirtay tartanka loogu jiro xiddiga.
Gunners ayaa ceyrsaneysay 21-sano jirkaan tan iyo bishii January markaasoo ay wax walba u samaysay sidii ay u dhamaystiri lahaayeen saxiixa xiddiga laakiin waxa ay ku fashilmeen in ay heshiis la gaadhaan Kooxda Brighton.
Arsenal ayaa la filayay in ay Brighton kula laabato dalab 70 milyan oo euro ah si ay ula saxiixato xiddiga laaiin chelsea ayaa si weyn loo filayaa in ay ku guulaysato tartanka loogu jiro xiddiga khadka dhexe.
Chelsea ayaa suuqii January lafteeda dalab ka gudbisay saxiixa Moises Caicedo laakiin Brighton ayaaa diiday dalabkaas waxana ay u muuqataa in ay dib u soo cusboonaysiinayaan xiisaha xiddiga.
Kooxda Arsenal ayaa haatan ka wal-walsan in ay Chelsea xiddiga Moises Caicedo u soo bandhigto qiimo lacageed oo ka badan midka ay iyagu diyaarka la yihiin si ay ugu guulaystaan saxiixa xiddiga taas oo badali karta go’aanka xiddiga.

Related



Source link