Arsenal ayaa heshiis afka ah la gaartay ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Southampton Romeo Lavia, sida ay sheegayaan wararku.
Xiddiga reer Belgum ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda Southampton kadib markii ay ka hadheen premier League.
Inkasta oo ay Southampton ku dhamaystay klaalinta 19-aad hadana Lavia ayaa ahaa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican premier League isaga oo dhaliyay hal gool mid kalena caawiye ka noqday 35 kulan oo uu ciyaaray.
Heshiiska Lavia ee Southampton ayuu uga dhimanyahay 4 sano laakiin waxa lala xidhiidhinayaa kooxaha ugu waaweyn ee premier League.
Kadib markii ay muddo wadahadalo kula jirtay Lavia, Football Insider ayaa sheegaysa in ay Arsenal heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga khadka dhexe.
Arsenal ayaan wali wax qiimo ah kala heshiin kooxda Southampton laakiin waxa la sheegayaa in ay kooxdiisu dalban doonto lacag dhan 50 milyan si ay u fasaxdo xiddiga.
Related