Kooxda Arsenal ayaa Tallaabo u Qaaday Saxiixa Xiddiga Kooxda Brentford ee David Raya sida ay sheegayaan wararku.
Arsenal ayaa Raya ka dhigatay bartilmaameedka 1-aad ee suuqa kala iibsiga xagaaga si ay ugu xoojiso kooxdeeda.
Sida laga soo xigtay Fabrizio Romano, Arsenal ayaa haatan heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga reer Spain.
Haatan Xiddiga ayaa Brentford u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda kuna biiro kooxda Arsenal.
Isla saxafiga ayaa sheegay in ay labada kooxood haatan dar-dar galin doonaan wadahalada ku saabsan heshiiska xiddiga.

Related



Source link