Per Mertesacker ayaa aaminsan in Arsenal ay ku jirto ‘meel wanaagsan’ si ay ula soo saxiixato Ilkay Gundogan xagaagan.
Xiddiga 32 jirka ah ayaa door weyn ka ciyaaray ku guulaysiga Man City ee saddexleyda taariikhiga ah kadib markii ay kooxda Pep Guardiola ku guulaystay champions League.
Gundogan ayuu heshiiskiisa Man City dhacayaa dhamaadka bishan waxana uu xiddigu xiiso ka helayaa kooxaha Arsenal, Barcelona iyo Borussia Dortmund.
City, ayaa sidoo kale dooneysa inay sii haysato Gundogan iyadoo Guardiola uu cadeeyay inuu doonayo inuu sii joogo kabtankiisa
Laakiin kabtankii hore ee Arsenal Mertesacker, oo hadda ah madaxa akadeemiyada kooxda, ayaa dareensan in Gunners ay fursad fiican u haysato inay la soo saxiixato xiddiga Gundogan.
Isaga oo la hadlaya ZDF final-kii champions League Mertesacker ayaa sheegay in uu dareensanyahay in ku guulaysigii City ee saddexleyda ay Gundogan ku qancinayso in uu yidhaahdo “Hye waan shamaystiray hawsha”.
Mertesacker ayaa hadalkiisa ku daray: “Waxay ila tahay in kooxuhu safka ugu jiraan”.
“Laakiin sabab la xidhiidha in uu Arteta si fiican u garanayo Gundogan waxa ay Arsenal ku jirtaa boos fiican oo ay ku heli karto saxiixiisa”.

Related



Source link