Didi Hamann ayaa uga digay Arsenal saxiixa Ilkay Gundogan ee Manchester City waxana uu u sheegay in uuna wax farqi ah ka samayn doonin rajadooda ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedka soo socda.
Gunners ayaa xagaagii hore kala soo saxiixatay Gabriel Jesus iyo Oleksandr Zinchenko Man City, waxaana ay haatan xiiseynayaan inay Emirates Stadium ku soo xerogeliyaan xubin kale oo ka tirsan kooxda Pep Guardiola.
Gundogan ayaa ahaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan Manchester City tan iyo markii uu ka soo dhaqaaqay Borussia Dortmund 2016, isagoo saftay in ka badan 40 kulan lixdii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay.
Xiddiga reer Germany ayaa ku guulaystay horyaalkii 5-aad ee horyaalka prmeier League waxana uu kooxda ka caawin karaa in ay ku guuulaystay saddexley taariikhi ah xilli ciyaareedkan.
Inkastoo uu saameyn ku yeeshay Manchester, Gundogan ayaa lala xiriirinayaa inuu ka tagayo kooxda Man City iyada oo heshiiskiisa kooxdu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Hamann ayaa sheegay in Gundogan uu horumarin doono Arsenal laakiin uu ka shaki qabo in uu kaligiis samayn karo farqi ay kooxdu ugu guulaysan karto horyaalka xilli ciyaareedka dambe.
“Ilkay Gundogan waa da’ uu hadda u baahan yahay inuu ka ciyaaro koox weyn,” xiddigii hore ee Manchester City iyo Liverpool Hamann ayaa u sheegay Casinos En Ligne.
“Waxa uu ahaa ciyaaryahan cajiib ah Manchester City, laakiin waxa uu ahaa mid dhexdhexaad ah Germany sababtoo, in badan kubada maanu haysan”.
“Gundogan ma horumarin doonaa Arsenal? Haa, wuu samayn karaa sidaas laakiin waa 32-sano jir sidaas darteed kaligiis ma samayn karo wax farqi ah kumana guulaysan karo horyaalka premier Legaue xilli ciyaareedka dambe”.

Related



Source link