Halyeeyga kooxda Arsenal ee Ray Parlour ayaa sheegay xiddiga uu doonayo in uu ka tago Arsenal inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Arsenal oo suuqa galisay lacag dhan 200 milyan oo euro ayaa la filayaa in ay xiddigo badan iska iibiso inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga xgaaaga.
Ray Parlour ayaana u sheegay kooxdiisii hore in ay iska iibiso xiddiga daafaca ka ciyaara ee Rob Holding inta uu furanyahay suuqa xagaaga.
Ray Parlor ayaa u sheegay talkSPORT: “Inkasta oo aan jecelahay Rob Holding, waa in uu ka tago kooxda, waxana laga yaabaa in uu tago hadii ay kooxdu hesho dalab 10 milyan ah”.
Imaatinka Jurrien Timber calaamad su’aal weyn gelinaysaa mustaqbalka Rob Holding ee kooxda Arsenal.
Qandaraaska 27-jirka ayaa ku eg 2024. Laakiin Gunners ayaa kordhin karta sanad kale.

Related



Source link