Halyeeyga Arsenal Emmanuel Petit ayaa sheegay in Gunners ay wali u baahan tahay saxiixyo badan si ay ula tartanto Manchester City xilli ciyaareedka soo socda.
Kooxda Arsenal ayaa si weyn ugu mashquulsan suuqa iyaga oo ilaa haatan sameeyay hal saxiix 2 kalena ku dhaw in ay ku dhawaaqdo saxiixooda.
Arsenal ayaa ku dhaw in ay ku dhawaaqdo saxiixa xiddigaha Rice iyo Timber xilli ay Rice ka dhigayaan saxiixooda ugu qaalisan taariikhda suuqa kala iibsiga.
Inkasta oo uu Petit amaanay saxiixa Rice hadana waxa uu sheegay in ay Arsenal u baahantahay in ay samayso saxiixyo kale si ay ugu tartanto horyaalka premier league xilli ciyaareedka dambe.
“Rice waxa uu Arsenal u noqon doonaa saxiix fiican laakiin waa inay keenaan ciyaartoy badan haddii ay doonayaan inay u tartamaan horyaalka, ama ugu yaraan, ay soo yareeyaan farqiga u dhexeeya Man City”.
“Hal tallaabo ayay u sii socotaa laakiin waxay u baahan yihiin inay ciyaartoy badan keenaan. “Haddii aad rabto inaad u tartanto abaalmarinta ugu fiican England ama Yurub waxaad u baahan tahay inaad lacagta miiska saarto. Way fududahay taas. “Waxay ahayd sidaas oo kale da’da kubbadda cagta, laakiin waxay aad uga caddahay ciyaarta casriga ah”.
Related