Arsenal ayaa laga yaabaa inay dib u noqoto xilli ciyaareedka soo socda hadii ayna la soo saxiixan ugu yaraan 4 xiddig oo waaweyn khibrad-na leh.
Sidaas waxa qaba Tony Adams, oo ka cabsi qaba in Arsenal ay gaadhay halkii ugu saraysay xilli ciyaareedkan muddo dheer-na hogaaminaysay horyaalka Premier League.
Arsenal ayaa hogaaminaysay horyaalka premier League inta badan xilli ciyaareedka ka hor inta ayna bur-burin kulamadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka.
Man City ayaa ugu dambayn ku guulaystay horyaalka premier League iyaga oo 5 dhibcood ku qaaday horyaalka.
Mikel Arteta ayaa doonaya inuu dib u saxo daciifnimada kooxdiisa isaga oo doonaya in uu la soo saxiixdo xiddiga Decland Rice iyo waliba daafac Midig oo kale.
Laakiin Adama ayaa sheegay in ay Arsenal u baahnaan doonto wax intaas ka badan xagaaga ama ay dib u laaban doonto xilli ciyaareedka dambe.
“Hadii ay Arsenal doonayso in ay u tartanto horyaalka waa in ay la soo saxiixdaan 4 xiddig oo khibrad leh xagaagan”ayuu Adams yidhi.
“Decland Rice waxa uu ka mid noqon karaa saxiixyadaas laakiin hadii aan hal xiddig ka bixinayo 100 milyan waxan doonayaa xiddig sida Jack Grealish oo kale ah kaas oo khadka dhexe iga siin kara goolal iyo caawin uma baahni daafac”.

Related



Source link