Paul Merson ayaa sheegay in kooxda Arsenal ‘aysan ahayn kuwa awood badan’ si ay ugu guulaystaan Premier League waxana uu aaminsan yahay in xiddig ku fashilmay Chelsea uu wax ka badali karo arintaas.
Arsenal ayaa hogaamineysa tartanka horyaalka Premier League inta badan xilli ciyaareedkan, iyadoo hogaanka u heysay 248 maalmood.
Laakiin Arsenal ayaa fashilantay kulamadii ugu dambeeyay iyaga oo kaliya badiyay 2 kulan 8-dii kulan ee ugu dambaysay ee ay ciyaartay.
Merson ayaa kooxda Arsenal ku tilmaamay kuwo diciif ah isla markaas u baahanyihiin xiddigo tayo leh suuqa xagaaga si ay u tartamaan xilli ciyaareedka dambe.
Waxa uu aad ula dhacsan yahay Gabriel Jesus – isaga oo ku amaanay xiddiga reer Brazil ‘Saxiix cajiib ah’ – laakiin waxa uu rumaysan yahay in Arsenal ay ka faa’iidaysan doonto saxiixa weeraryahan kale waxana u sheegay in ay la soo saxiixdaan xiddiga Chelsea ku fashilmay ee Romelu Lukaku.
“Arsenal waxay u baahan tahay weeraryahan dhexe,” Merson ayaa u sheegay GiveMeSport.
“Waxay u baahan yihiin qof u dhalin kara 25 gool xilli ciyaareedka”.
“Ma doonayo inaan dhaleeceeyo Jesus, waxa uu ahaa saxiix cajiib ah laakiin isagu ma dhalin karo goolal badan”.
“Kulankii Brighton uma muuqan mid gool dhalin kara sidaas darteed hadii ay la soo saxiixato weeraryahan dhalin kara goolal wuu u ciyaari karaa kooxda”.
“Kooxda Arsenal ma lahan awood ay ugu badin karaan horyaalka, waxa ay u baahanyihiin xiddigo tayo leh”.
“Lukaku ayaa suuqa la dhigi doonaa sidaas darteed waa xiddig ka caawin kara in ay ku guulaysto horyaalka premier League”.
Related