Kooxda Arsenal ayaa loo sheegay in ay Man City haysato Hub ay ugu garaaci karto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Declan Rice.
Gunners ayaa muddo dheer lala xidhiidhinayay xiddiga khadka dhexe iyad aoo Gunners laba dalab ka gudbisay saxiixa xiddiga laakiin laga diiday dalabkaas.
Rajada Arsenal ee saxiixa Rice ayaa yaraatay todobaadyadii ugu dambeeyay sabab la xidhiidha in ay Man City ku soo biirtay tartanka.
Milkiilihii hore ee Crystal palace Simon Jordan ayaa rumaysan in ay Man City haysato hub ay Arsenal ugu garaaci karto saxiixa xiddiga khadka dhexe.
Isagoo la hadlayay talkSPORT, wuxuu yiri: “Miyaan u maleynayaa in Declan Rice laga iibin doono Arsenal? Ma garanayo, waxa ay ku xidhantahay sida ay wax u dhacaan ama cida heshiiska lagu daro”.
“Aniga ahaaan Man City waxa ay haysataa hub qarsoodi ah waana xiddiga Kalvin Phillips, hadii ay Man City lacag iyo waliba xiddiga Kalvin Phillips miiska u saarto West Ham uma malaynayo in ay Arsenal heli doonto saxiixa xiddiga”.
Related