Kooxda Arsenal ayaa dalab 17 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga daafaca Midig ka ciyaara ee Scha Boey sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Turkey.
Laakiin kooxda Galatasaray ayaa isla markiiba diiday dalabka Arsenal iyada oo u sheegtay in ay kor u qaado qiimaha ay ku doonayso xiddiga.
Arteta ayaa Boey u calaamadsaday bartilmaameedka 1-aad ee daafaca Midig maadama uuna Ben White ahayn xiddig ka ciyaari kara booskaas xilli ciyaareedka oo dhan.
Kooxda Galatasaray ayaa dalbanaysa ugu yaraan 25 milyan oo euro si ay Arsenal uga iibiyaan xiddiga iyada oo madaxweynaha Galatasaray U safray London si uu wadahadalo dheeraad ah la qaato Arsenal.
Sida laga soo xigtay Nevzat Dindar, Arsenal ayaa la filayaa in ay dalab cusub kula laabato xiddiga Boey si ay ugu xoojiso daafaceeda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka dambe.

Related



Source link