Arsenal ayaa ku dhaw in ay heshiis la gaarto kooxda chelsea si ay ula soo saxiixato weeraryahanka Kai Havertz.
Kooxda Arsenal ayaa ku dhaw in ay Havertz ka bixiso lacag dhan 65 milyan oo euro si ay uga dhigto saxiixyada ugu horeeya ee kooxda.
Labada kooxood ayaa haatan ka shaqaynaya in ay dhamaystiraan qaabka loo bixinayo lacagta kana mid tahay qaabka ay noqon doonto lacagta gunooyinka ah.
Laakiin heshiiska shaqsiga ah ayaa wakhti hore la dhamaystiray iyada oo wax walba la dhamaystiri doono hadii ay arintu dhacdo sida la filayo.
Xilli ciyaareedkii hore, Havertz waxa uu inta badan waxa uu ka ciyaaray weerarka waxana uu kooxda chelsea u dhaliyay 9 gool 47 kulan oo tartamada oo dhan ah.
Tan iyo markii uu Chelsea kaga soo biiray Bayer Leverkusen saddex sano ka hor Havertz waxa uu u saftay kooxda 139 kulan, isagoo u dhaliyey 32 gool, caawiyeyna 15 kale.
Related