Kooxda Arsenal ayaa si lama filaan ah ugu shaqaynaysa saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Ajax ee Jurrien Timber sida ay sheegayaan wararku.
Arsenal ayaa lagu soo waramaya in ay dalab Rasmi ah oo dhan 30 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara si ay ugu xoojiso kooxda.
Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in ay Arsenal wakhti horeba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga Jurrien Timber kaas oo diyaar u ah in uu ku biiro Gunners.
Xiddiga 22 jirkaah ayaa xaqiijiyay marar badan in uu isaga tagayo kooxda Ajax inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Laakiin waxa si weyn loola xidhiidhinayay kooxaha Liverpool iyo Man United kuwaas oo si dhab ah u doonayay saxiixiisa.
Si kasta ha ahaatee kooxda Arsenal ayaa haatan hogaaminaysa tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga reer Netherlands.

Related



Source link