Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay PSG ku war galisay go’aanka ku aadan mustaqbalka xiddiga ahna kabtanka kooxda ee Martin Odegaard.
Xiddiga Martin Odegaard ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah waxana uu dhaliyay 15 gool tartamada oo dhan isaga oo kaalinta 2-aad ku hogaamiyay kooxdiisa.
Qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah ayaa soo jiitay kooxda PSG kuwaas oo suuqa ugu jira xiddig khadka dhexe ah waxana ay xitaa la xidhiidheen wakiilka xiddiga.
Si kasta ha ahaatee kooxda Arsenal ayaa ku war galisay kooxda PSG in uuna xiddigu iib ahayn suuqa kala iibsiga xagaagan.
Wargayska Evening Standard Ayaa sheegaya in ay Arsenal PSG ku war galisay in uuna Martin Odegaard iib ku ahayn qiimo kasta oo ay miiska soo saaraan.
Arsenal ayaa Kabtankooda doonaya in ay sii haystaan waxana ay xitaa doonayaan in ay heshiis cusub ka saxiixdaan xiddiga.

Related



Source link