Kooxda Arsenal ayaa diiday dalab laga soo gudbiyay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Sucuudiga Al-Nassr sida ay sheegayaan wararku.
Kooxda ka ciyaarta sucuudiga ayaa doonaysa xiddiga reer Ghana si ay ugu xoojiyaan khadka dhexe.
Si kasta ha ahaatee kooxda Arsenal ayaa u muuqata kuwo aan diyaar u ahayn in ay iibiyaan xiddiga khadka dhexe wakhti dambe oo xagaaga ah.
Arsenal ayaa bilowgii xagaaga diyaar u ahayd in ay iska iibiso xiddiga laakiin haatan waxa ay aaminsantahay in ayna heli doonin badalkiisa.
Kooxda Al-Nassr ayaa diyaar la ah in ay bixiso 40 milyan oo euro laakiin Gunners ayaa diiday dalabka kooxda sucuudiga.
Related