Thomas Partey ayaa qarka u saaran inuu dhaawac ku seego kulanka Arsenal ee Premier League ee ay la ciyaarayaan Manchester United axada.
30-sano jirkaan ayaa ku soo bilowday daafaca midig dhamaan seddexdii kulan ee Arsenal ay ciyaartay ilaa haatan.
Laakiin Mikel Arteta ayaa hadda ku qasbanaan doona in uu isku shaandhayn ku sameeyo difaaciisa ka hor kulanka ay United kula ciyaari doonaan Emirates Stadium galabnimada Axada.
Partey ayaan loogu yeerin xulka Ghana ka hor fasaxa caalamiga ah ee soo socda, waxaana xiriirka kubada cagta Ghana ay sheeganayaan in ay ku wargaliyeen Arsenal in ciyaaryahanka khadka dhexe uu garoomada ka maqnaan doono muddo.
Bayaan uu soo saaray FA-ga Ghana Sabtidii ayaa lagu yiri:” Xiddiga Arsenal ee Thomas Partey ayaa laga saaray Liiska xulka sabab la xidhiidha dhaawac”.
“Sida ay noo sheegtay kooxdiisu, xiddiga ayuu dhaawac ka soo gaadhay tabaabrka waxana uu garoomada ka maqnaan doonaa muddo”.

Related



Source link