Kooxda Arsenal ayaa horumar ka samaysay isku daygii ay ku doonaysay in ay kula soo saxiixato daafaca dambeedka midig ee kooxda Manchester City Joao Cancelo, sida ay sheegayaan wararku.
Xiddiga reer Portugal ayaa si lama filaan ah uga tagay Man City suuqii January waxana uu amaah ugu biiray kooxda Bayern Munihc.
Kooxda reer Germany ayaa iska diiday in ay qaab toos ah ula wareegto xiddiga kadib markii uu 6 bilood ku qaatay waxana uu shaki ku jiraa mustaqbalkiisa Bayern Munich.
Kooxda Arsenal ayaa xiiso u muujisay saxiixiisa iyada oo Mikel Arteta doonayo in uu xiddiga kula midoobo Emirates kadib markii ay ka soo wada shaqeeyeen kooxda Man City.
Sida laga soo xigtay Football Transfers, Gunners ayaa wadahadalo kula jirtay wakiilada Cancelo waxana ay wadahadalada ka sameeyeen horumar laakiin Arsenal ayaa wali u baahan in ay heshiis la gaadho Man City dhinaca qiimaha.
Wararka ayaa sheegaya in ay Arsenal diyaarinayso dalabkii furitaanka ahaa oo dhan 35 milyan oo euro laakiin Man City ayaa ugu yaraan doonaysa lacag dhan 45 milyan oo euro.
Related