Arsenal ayaa heshiis cusub oo afar sano ah la gaartay William Saliba.
Heshiiska ayaa 22 jirkan ku sii hayn doona garoonka Emirates ilaa ugu yaraan 2027. Qandaraaska cusub ayaa hadda u gudbi doona heerka saxiixa warqadaha kadib markii ay labada dhinac heshiis buuxa gaadheen.
Heshiiska Saliba ee haatan ayaa dhacaya 12 bilood kadib taas oo Arsenal halis u galinaysa in ay xor ku waydo xiddiga xagaaga hadii ayna heshiis cusub la gaadhin.
Waxaa xiiso xoogan u qabay xiddiga kooxo ay ka mid yihiin PSG iyo waliba kooxo ka ciyaara horyaalka premier League.
Saliba waxa uu ahaa ciyaaryahan muhiim ah xilli ciyaareedkii hore iyadoo Arsenal ay u tartamaysay hanashada horyaalka Premier League.
Waxa uu dhaawac ku seegay 11-kii kulan ee ugu dambeeyay xilli ciyaareedkan, taas oo ku soo beegantay hoos u dhac ku yimid qaab ciyaareedka Arsenal oo sababtay in ay lumiso fursadaha ku guulaysiga horyaalka.

Related



Source link