Xidigii hore ee khadka dhexe ee kooxda Tottenham Jamie O’Hara ayaa ku adkaysanaya in Kai Havertz uu ku fashilmi doono kooxda Arsenal kadib markii uu 65 milyan ugu biiray Gunners suuqa xagaaga.
Xiddiga reer Germany ayaa ku biiray Arsenal bishii hore waxana uu qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah oo uu ku joogi doono Emirates.
Havertz ayaa 3 sano ku qaatay chelsea waxa uu dhaliyay 32 gool 139 kulan oo uu u ciyaaray kooxda.
Inkasta oo uu Dhaliyay goolkii final-ka champions League, Havertz ayaa hadana dhaleecayn weyn la kulmay intii uu joogay kooxda chelsea.
O’Hara ayaa sheegay in uuna Havertz ahayn mid fiican isla markaas uu filayo in uu xiddiga 24 jirka ah ku fashilmi doono kooxda Arsenal.
“Waa maxay Kai Havertz? Xitaa ma garaaci karo albaabka maqsinka”O’Hara ayaa u sheegay talkSPORT
“Kuma fiicnayn chelsea sidaas darteed way iska fasaxeen”.
“Waxa aan hada kuu sheegayaa in uu Kai Havertz ku fashilmi doono Arsenal, uma malaynayo in ay u shaqayn doonto Arsenal”ayuu sii raaciyay.
Sii Akhriso: Go’doominta Al-Shabab Ee Magaalada Baydhabo Oo Sii Xumaatay & Xaalado Soo Kordhay.
Related