Arsenal ayaa wali laga yaabaa in ay iska iibiso xiddiga daafaca ka ciyaara ee Gabriel Magalhaes ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga inkasta oo Mikel Arteta uu iska diiday wararka la isla dhexmarayo horaantii todobaadkan.
Mustaqbalka xiddiga reer Brazil ee Arsenal ayuu shaki ku jiraa iyada oo xiddiga laga reebay shaxda labadii kulan ee ay ciyaartay Arsenal premier League.
Mikel Arteta ayaa meesha ka saaray shakiga ku jira mustaqbalkiisa xiddiga kulankii ay Arsenal dirqiga uga badisay kooxda Crystal Palace.
Kooxo dhawr ah oo ka tirsan sucuudiga ayaa xiiso u qaba saxiixa xiddiga si ay u keenana bariga dhexe xiddiga reer Brazi.
Sida ay sheegayaan wararku Arsenal ayaa laga yaabaa in ay u furantahay in ay iska iibiso xiddiga Gabriel hadii ay helaan xiddig kale.
Gunners ayaa doonaysa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Crystal palace ee Marc Guehi kaas oo uu Arteta taageere weyn u yahay.

Related



Source link