Arsenal ayaa dalab lama filaan ah u dirtay xiddiga kooxda Manchester City ee Ilkay Gundogan.
Sida laga soo xigtay Sport, Gunners ayaa miiska u saartay qandaraas labo sano ah oo ay ku dooneyso Gundogan.
Sida ay hadda tahay Arsenal ayaa loo arkaa kuwa aan ugu cad-cadayn saxiixa xiddiga 32 jirka ah xilli ay kooxda Barcelona hogaaminayso tartanka saxiixa xiddiga.
Heshiiska Gundogan wuxuu dhacayaa dhamaadka bishaan, iyadoo wali ay jirto fursad yar oo uu ku kordhin karo heshiiska uu kula joogo kooxda laakiin waxa ay u badantahay in uu ka tago kooxda.
Arsenal, waxa ay suuqa ugu jirtaa ciyaaryahan khadka dhexe ah oo heer sarre ah, waxaana ay si aad ah u doonaysaa xiddiga khadka dhexe ee Gundogan.
Xiddiga reer Germany ayaa ku riyaaqay xilli ciyaareed heer sare ah, isagoo dhaliyay 11 gool, islamarkaana caawiyay lix gool dhamaan tartamada
Related