Arsenal ayaa diyaarinaysa dalab 75 milyan oo euro oo ay ku doonayso xiddiga khadka dhexe ee Brighton Moises Caicedo, sida ay wararku sheegayaan.
Mikel Arteta ayaa doonaya in uu xoojiyo kooxdiisa gaar ahaan khadka dhexe iyada oo uu donayo in uu hal xiddig ugu yaraan kooxdiisa keeno halka uu filayo in uu ka tago kooxda xiddiga Granit Xhaka.
Kabtanka West Ham Declan Rice ayaa ah bartilmaameedka 1-aad ee Mikel Arteta sidoo kale waxa ay dib u soo cusbiinaysiinayaan xiddigaha ay u qabeen xiddiga Caicedo.
Arsenal ayaa suuqii January isku dayday in ay la soo saxiixato xiddiga Caicedo laakiin Brighton ayaa diiday in ay iibiso xiddiga reer Eucador.
Sida laga soo xigtay wargayska LondonWorld Arsenal ayaa diyaarinaysa dalab 75 milyan oo euro ah oo ay ku doonayso xiddiga waana lacag la mid ah isla lacagtii ay Brighton diiday suuqii January.
Xiddiga Caicedo ayaa la xaqiijiyay in uu ka tagayo kooxda Brighton inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan kadib markii kooxdu u balan-qaaday in uu bixi doono xagaaga.

Related



Source link