Arsenal ayaa dalab furitaan ah ka gudbisay kabtanka West Ham United Declan Rice.
Tallaabadan ugu horreysa waxay daba socotaa wadahadal u dhexeeya madaxa fulinta Arsenal Tim Lewis iyo dhiggiisa West Ham Karren Brady kaas oo dhacay maalintii Arbacadii in kasta oo agaasimaha ciyaaraha Edu iyo agaasimaha hawlgallada kubbadda cagta Richard Garlick ay hoggaaminayaan hannaanka.
Kooxda Arsenal ayaa Rice ka dhigatay bartilmaameedka 1-aad ee ay ku xojinayaan kooxda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Heshiiska Rice ee kooxda West Ham ayaa dhacaya sanadka 2024 Waxana ay West Ham qiratay in uu xiddigu bixi karo xagaagan.
Kooxda Arsenal ayaa dhigeeda West Ham miiska u saartay dalab lacageed oo dhan 80 milyan oo euro iyo waliba lacago gunooyin ah.
Related