kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaarinayso dalab cusub oo ay ku doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee West Ham Declan Rice inta lagu jiro suuqa xagaaga.
Arsenal ayaa ku fashilantay dalabkeedii ugu horeeyay ee ay ku doonaysay saxiixa xiddiga khadka dhexe.
Gunners ayaa laga diiday dalab lacageed oo dhan 80 milyan oo euro.
Arsenal ayaa bartilaameedka 1aad ka dhigatay xiddiga reer England sidaas darteed waxa ay kula laaban doontaa dalab cusub.
sida ay sheegayaan Wararku Arsenal ayaa haatan diyaarinaysa dalab cusub oo ay ku doonayso xiddiga.
Arsenal ayaa Haatan diyaarinaysa dalab dhan 100 milyan oo euro.
Kooxda Mikel Arteta ayaa diyaar u ah in ay West Ham miiska u saarto lacag dhan 90 milyan oo euro iyo 10 milyan oo guno ah.
Related