Arsenal ayaa la soo laaban doonta dalabkii 3-aad ee bartilmaameedka 1-aad ee Declan Rice ka dib markii laga diiday dalabkii 2-aad oo ahaa mid 90 milyan oo euro.
West Ham ayaa maanta Arsenal ka diiday dalab 75 milyan oo euro oo ay halka hore ka helayso iyo waliba 15 milyan oo Guno ah xilli ay Hummers wali doonayso 100 milyan oo go’an.
Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaarinayso dalab 3-aad oo ay wali ku doonayso xiddiga khadka dhexe kadib fashilkii 2-dii dalab.
Wargayska MailSport ayaa sheegaya in ay Arsenal haatan diyaar u tahay in ay bixiso qiimaha ay West Ham doonayso oo dhan 100 milyan oo euro.
Rice ayaa doonaya in uu ku biiro kooxda Arsenal isla markaas aaminsan in uu noqon doono xiddig Arsenal ah dhamaadka bishan haatan lagu jiro.
Arsenal ayaa haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga waxana uu todobaadkii mushahar u qaadan doonaa lacag dhan 200 kun oo Gini todobaadkii.
Related