kooxda Arsenal ayaa ugu dambayn heshiis cusub ka saxiixatay xiddiga Bukayo saka kaas oo ay ka saxiixatay heshiis cusub oo 5 sano ah
Saka ayaa qalinka ku duugay heshiis uu kooxda kula joogi doono ilaa xagaaga 2028.
Arsenal ayaa ku guulaysatay in ay xiddiga ku qanciso in uu iska diido xiisaha Man City kuwaas oo doonayay saxiixiisa xiddiga.
sida laga soo xigtay Daily Mail, Arsenal ayaa Saka ka diiday dalab uu codsaday la hor intii uuna qalinka ku duugin heshiiska.
Wargayska ayaa sheegaya in uu Saka maamulka Arsenal la codsaday in heshiiskiisa lagu daro lacag lagu bur-burin karo.
Saka ayaa doonayay in uu heshiiskiisa ku daro lacag lagu bur-burin karo si ay ugu fududaato in uu ka tago kooxda mustaqbalka dhaw.

Related



Source link