Kooxda Arsenal ayaa bilaabatay kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub kadib markii ay shalay la ciyaareen kooxda Watford kulan albaabadu u xidhanyihiin.
Kulanka oo ka dhacay garoonka tababarka kooxda Arsenal ayaa ku soo dhamaaday bar-baro 1/1 ah.
Kulanka ayay Arsenal inta badan ciyaarayeen xiddigo da’yar ah maadama ay kooxda 1-aad dhawaan ku soo laabteen tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Kulanka ayaa ku dhamaaday bar-baro 1/1 ah iyada oo ay Arsenal samaysay furdsado fiican halka ay sidoo kale Watford markooda samaysay fursado fiican.
Kooxda Watford ayaa ku hor martay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana ay Arsenal kaga naxsadeen gool iyaga oo ka faa’iidaystay khalad ay galeen daafaca Arsenal.
Kooxda Arsenal ayaa dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Marquinhos kaas oo kubada shabaqa ku taabtay kadib kubad ka soo booday Goolhayaha Watford.
Related