Waxa la soo afjaray xilli ciyaareedka premier League 2022/2023 iyada oo ay kulamada dhamaantood la ciyaaray hal wakhti si aan natiijooyinka loo sii ogaan.Kulamadan ayaa si weyn loogu tartamayay iyada oo kooxaha qaar ku tartamayeen u soo bixista yurub halka ay qaar kalena u dagaalamayeen sidii ay uga sii mid ahaan lahaayeen premier League.
Hadii aynu ku bilowno natiijada Kulanka Liverpool iyo Southamptona waxa uu ahaa mid u dhexeeyay labaa kooxood oo aan waxba u ciyaarayn maadama ay Liverpool horay u xaqiiqsatay booska Europa League xilli ciyaareedka dambe halka ay Southampton horay u sii ogayd in ay ka hadhayso tartanka.
Kulanka ayaa ku bilowday si dar-dar leh iyada oo Klopp is badal weyn ku sameeyay shaxdiisa waliba daqiiqado siiyay xiddigaha ka tagaya kooxda kulanka kadib.
Liverpool ayaa daqiiqadii 10-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Diogo Jota kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.
Reds ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen raadinta goolal kale oo ay ku dheeraystaan hogaanka ciyaarta waxana daqiiqadii 14-aad goolka u dhaliyay xiddiga Roberto Firmino kaas oo gool ku macasalaameeyay taageerayaasha Liverpool.
Laakiin Southampton ayaa hurdada ka kacday waxana ay bilaabeen in ay raadiyaan goolal ay ciyaarta ugu soo laabtaan.
Daqiiqadii 19-aad ayay Southampton dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga James Ward-Prowse kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.
Kooxda Southampton ayaa daqiiqadii 28-aad dhalisay goolka 2-aad ee bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Kamaldeen Sulemana kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.
Qaybta dambe ayay Southampton dhalisay goolka 3-aad daqiiqadii 47-aad waxana u dhaliyay xiddiga Kamaldeen Sulemana kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2 ay Southampton ku hogaaminayso.
Southampton ayaa daqiiqadii 64-aad dhalisay goolka 4-aad waxana u dhaliyay xiddiga Adam Armstrogn gaas oo ciyaarta ka dhigay 4/2.
Laakiin Liverpool ayaa markiiba soo laabatay waxana daqiiqadii 72-aad dhaliyay goolka 3-aad xiddiga Cody Gakpo kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/4 ay Liverpool rajo ku ehshay.
Daqiiqadii 73-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 4-aad ee bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Diogo Jota kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/4.
Dhanka kale Arsenal ayaa guul weyn ku soo xidhatay xilli ciyaareedkeeda waxana ay garaaceen kooxda Wolves kulan ka dhacay Emirates.
Arsenal ayaa daqiiqadii 11-aad bilowday goolasha waxana u dhaliyay xiddiga Granit Xhaka kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.
Gunners ayaan halkaas ku joogsan waxana ay daqiiqadii 14-aad dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Granit Xhaka kaas oo laba gool ku macasalaameeyay taageerayaasha Arsenal.
Xiddiga Bukayo Saka ayaa daqiiqadii 27-aad dhaliyay goolka 3-aad waxana uu ciyaarta ka dhigay 3/0 ay Arsenal ku hogaaminayso qaybta hore ee ciyaarta.
Qaybta dambe ayay Arsenal si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta waxana ay daqiiqadii 58-aad dhaliyeen goolka 4-ad ee ciyaarta waxana u xiddiga xiddiga Gabriel Jesus kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/0.
Kooxda Arsenal ayaa daqiiqadii 78-aa dhalisay goolka 5-aad waxana u dhaliyay xiddiga Jakub Kiwior kaas oo ciyaarta ka dhigay 5/0 ay Arsenal ku hogaaminayso ciyaarta
Kooxda Man United ayaa dhinkeeda garaacday kooxda Fulham guul soo laabasho lehna ka gaadhay kulan ka dhacay garoonkeeda Old Trafford.
Fulham ayaa daqiiqadii 19-aad dhalisay goolka furitaanka waxana u dhaliyay xiddiga Kenny Tele kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay Fulham ku hogaaminayso ciyaarta.
Kooxda Fulham ayaa rikoodhe heshay waxana iska khasaariyay xiddiga Aleksandar Mitrović Waxana ay ciyaartu ku sii joogtay 1/0 ay Fulham ku hogaaminayso ciyaarta.
Man United ayaa daqiiqadii 39-aad ku soo laabatay ciyaarta waxana U dhaliyay xiddiga Jadon Sancho kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1 ay labada kooxood bar-baro ku yihiin.
Qaybta dambe ayay United ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo raadinayay in ay dilaan ciyaarta isla markaas hogaanka la wareegaan.
Waxa daqiiqadii 55-aad u dhaliyay gool xiddiga Bruno Fernandes kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Man United ku hogaaminayso ciyaarta.
Kooxda Man City ayaa guuldaro ku soo xidhatay xilli ciyaareedka kadib markii ay guuldaro kala kulantay kooxda Brentford kulan uu Guardiola badal ku sameeyay shaxdiisa.
Kulanka ayaa ahaa mid adag iyada oo labada kooxood soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah oo isku dheeli tiran.
Daqiiqadii 85-aad ayay Brentford dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Ethan Pinnock kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.
Kooxda chelsea ayaa bar-baro ku soo xidhatay premier League xilli ciyaareedkan kadib markii ay dhaafi wayday kooxda Newcastle United
Labada kooxood ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed isku dheeli tiran iyada oo kooox walba doonaysay sidii ay u badin lahayd.
Daqiiqadii 9-aad ayay Newcastle United dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Anthony Gordon kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.
Kooxda chelsea ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolka bar-baraha laakiin nasiibka ayaa u diiday.
Daqiiqadii 27-aad ayay Chelsea heshay goolka bar-baraha waxana si khaldan isaga dhaliyay xiddiga Kieran Trippier kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.
Related