Xiddigii hore ee kooxda Tottenham Dimitar Berbatov ayaa saadaaliyay kulanka adag ee North London Derby ee dhexmari doona kooxaha Arsenal iyo Tottenham.
Kulanka ayaa ka dhici doona Emirates waana kulankii ugu horeeyay ee North London Derby xilli ciyaareedkan.
Kooxaha Arsenal iyo Tottenham ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan iyaga oo si fiican ku bilowday.
Labada kooxood ayuu mid walba badiyay 4 kulan halka ay mid kale bar-baro galeen 5-tii kulan ee ay ciyaareen horyaalka premier League waxana ay leeyihiin 13 dhibcood.
Ka Hor Kulankooda Axada Dimitar Berbatov Ayaa saadaaliyay kulanka adag ee dhexmari doona kooxdiisii hore iyo kooxda Arsenal.
“Koox kasta ayaa ku guuleysan karta kulanka, waa Kulan Derby ah, wax muhiim ah ma lahan garoonka aad joogtid ama halkaas kaga jirtid kala saraynta horyaalka”.
“Kooxda doonaysa inta ugu badan ayaa heli doonta guusha laakiin waxa aan saadaalinayaa in ay ku kala bixi doonaan 2/2”.

Related



Source link