Ilkay Gundogan ayaa lagu soo waramayaa in uu ka door bidayo u dhaqaaqista kooxda Barcelona marka loo eego Arsenal xagaagan.
Gundogan ayaa go’aansan doona mustaqbalkiisa Manchester City ka dib finalka Champions League isagoo qandaraaskiisa Etihad ku eg yahay dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Majaladda Isbaanishka ee Sport ayaa sheegeysa in Barcelona ay tahay halka ay doorbidayo Gundogan, maadaama uu doonayo inuu ku noolaado Spain, isagoo meesha ka saaraya in uu sii joogo England.
Gundogan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah kula jira City iyaga oo ceyrsanayay seddexleey taariikhi ah xilli ciyaareedkan, isagoo ka soo muuqday labadii lug ee semi-finalka Champions League ee Real Madrid, halka uu sidoo kale labo gool oo xiriir ah ka dhaliyay Premier League kulamadii Everton iyo Leeds. United
Mirror ayaa sheegeysa in kooxda heysata horyaalka Ingariiska ee dhawaan loo caleemo saaray ay weli ku rajo weyn tahay inay ku qanciso xiddiga in uu sii joogo kooxda, halka Arsenal ay sidoo kale xiiseyneyso Gundogan, iyadoo tababare Mikel Arteta uu si fiican u garanayo waqtigiisii ​​​​caawiyaha City.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Arteta iyo Gundogan yeelan doonaan kulan gaar ah iyada oo Arteta uu rajaynayo in uu xiddiga 32 jirka ah ku qanciyo in uu ku biiro Emirates.

Related



Source link