Xiddigii hore ee kooxda Liverpool John Barnes ayaa u sheegay Xiddiga Declan Rice in uu ku biiro Arsenl suuqa xagaaga halkii uu ku biiri lahaa kooxda Man City.
Kabtanka West Ham ayaa bartilmaameed u noqday Arsenal iyo Man City iyada oo labada kooxood doonayaan in ay xoojiyaan khadkooda dhexe.
Arsenal ayaa la rumaysanyahay in ay hogaaminayso tartanka loogu jiro saxiixa Rice laakiin waxa laga diiday 2 dalab oo ay ku doonayso xiddiga taas oo Man City rajo ka siisay xiddiga.
“Arsenal waxa ay haatanba ka gudbisay Rice laba dalab waxana ay gudbin doontaa mid kale sidaas darteed macno ayay samaynaysaa”ayuu Barnes u sheegay futfanatico.
“Maaha in ay ka fiicanyihiin Man City laakiin Arsenal ayaa si aad u doonaysa marka loo bar-bar dhigo Man City waana arinta u fiican isaga”.
“Rice ayaa ku soo baxaya shaxda Arsenal,hadii ay 100 Milyan ka bixiso waxa ay la macno tahay in uu si toos ah u gali doono shada Arsenal”.
“Uma malaynayo in ay Rice u fiicantahay in uu ku biiro Man City sababta oo ah Waxa ay haystaan Rodri kaas oo ka ciyaara booska Rice”ayuu sii raaciyay.
Sii Akhriso: Dhacdooyinka: Wiil Dhalinyaro Ah Oo U Lugeeyay Xajka Sanadkan, Dalkee Ayuu U Dhashay?
Related