Xiddiga khadka dhexe ee kooxda West Ham ayaa dagaal adag dhex dhigay kooxaha Arsenal iyo Man City kuwaas oo ku dagaalamaya saxiixiisa.
Xiddiga reer England ayaa ka mid ah xiddigaha loogu doonista badan yahay suuqa xagaagan isaga oo qaab ciyaareedkiisa ku soo jiitay kooxo badan.
Arsenal ayaa ahayd kooxda ugu cad-cad saxiixa xiddiga waxana ilaa haatan laga diiday laba dalab oo ay ku doonayaan saxiixiisa.
Laakiin Man City ayaa ku soo biirtay tartanka xiddiga iyaga oo haatan diyaarinaya dalab Rasmi ah oo ay ka gudbinayaan xiddiga.
Sida laga soo xigtay Fabrizio Roman, Rice ayaa Arsenal iyo Man City u sheegay kooxda uu ku biirayo.
Romano ayaa sheegaya in uu Rice u sheegay kooxaha in uu u furanyahay in uu ku biiro labadoodaba inta lagu jiro suuqa xagaagan.
Rice ayaa ku war galiyay Arsenal iyo Man City in uu diyaar u yahay in uu ku biiro koox kasta oo West Ham kala heshiisa qiimaha ay ku iibinayso.

Related



Source link