Harry Redknapp ayaa magacaabay kooxda Man City kula tartami doonta horyaalka premier League xilli ciyaareedka dambe xilli kooxaha Arsenal, Manchester United, Liverpool iyo Chelsea ay bartilmaameedsanayaan tartanka horyaalka.
Man City ayaa ku guuleysatay horyaalkeedii seddexaad oo xiriir ah xilli ciyaareedkii hore ka dib markii ay garaacday Arsenal dhamaadkii xilli ciyaareedka.
Gunners ayaa hogaanka u haysay 248 maalmood laakiin waxa ay burburtay dhamaadkii xilli ciyaareedka iyada oo 5 dhibcood ka dambaysay kooxda Pep Guardiola.
Manchester United ayaa ku dhameysatay kaalinta seddexaad xilli ciyaareedkii ugu horeeyay ee Eri Ten Hag waxa ay sidoo kale ku guulaysteen koobkoodii ugu horeeyay tan ilaa sanadkii 2017.
Liverpool ayaa markii labaad si dirqi ah ku lumisay Champions League markii labaad ee uu Jurgen Klopp hogaaminayay, halka Chelsea ay ku dhameysatay kaalinta 12aad ee Premier League kadib xilli ciyaareed niyad jab leh oo ay soo qaadatay.
Kooxaha Manchester United, Liverpool & Chelsea Ayaa rajaynaya in ay soo yareenyaan farqiga ay ka dambeeyaa xilli ciyaareedka cusub laakiin tababarihii horee Premier League Redknapp ayaa filaya in ay Arsenal noqon doonto kooxda Man City kula tartanta horyaalka kadib markii ay la soo saxiixdaan Declan Rice.
“Waan ka xumahay inaan arko isaga oo ka tagaya West Ham”ayuu Redknapp ayaa u sheegay GB News.
“Waxaan rajeynayay in West Ham ay sii heyn doonto ugu yaraan dhowr sano oo kale”.
“Laakiin waxaan hubaa in uu horumarin doono Fursadaha Arsenal ee ku garaacista Man City horyaalka premier Legaue xilli ciyaareedka cusub, laakiin ma fududaan doonto”.
“Man City mar kale ayay noqon doontaa kooxda ugu cadcad ku guulaysiga horyaalka Laakiin Arsenal ayaa samaysay dhawr saxiix oo fiican waxana ay noqon doonaan kuwo adag”.
“Waxaan u arkaa inay yihiin kooxda kaliya ee kula tartami doonta Man City horyaalka”ayuu sii raaciyay.
Sii Akhriso: Ku Dhawaad 40 Ka Tirsan Dagaalyahanada Al-Shabaab Oo Lagu Dilay Hawlgalo Laga Fuliyay Gobolka Jubbada Hoose

Related



Source link