Nigel Reo-Coker ayaa saadaaliyay in ay koox kale oo premier League ah la saxiixan doonto xiddiga Declan Rice oo aan Arsenal ahayn suuqa xagaagan.
Xiddiga reer England ayaa xiiso ka helaya kooxaha ugu waaweyn yurub kadib markii ay West Ham xaqiijisay in uu isaga tagi doono kooxda.
Marka la eego xiisaha badan ee u imanaya, West Ham ayaa dalban doonta lacag dhan 100 milyan oo euro iyada oo dalab 80 milyan ah ka diiday Arsenal.
Xilli ay Arsenal ku rajo weyntahay saxiixa Rice hadana waxa ay tartan adag kala kulmaysaa kooxaha Man City, Man United iyo chelsea.
Xidigii hore ee khadka dhexe ee West Ham Reo-Coker ayaa aaminsan doonayo in uu ku biiro Arsenal laakiin uu ugu dambayn ku biiri doono kooxda Man City.
“Halkii ayuu ku biiri donaa? waxa ay noqon doontaa mid xiiso leh”ayuu Reo-Coker u sheegay BBC.
“Suuqan waa suuqii xiddigaha khadka dhexe”.
“Shaqi ahaan waxan doonayaa in uu ku biiro Arsenal laakiin West Ham ayaan xaalka u fududayn doonin”.
“Waxa jira xiiso uu ka helayo Man City sidaas darteed waxa aan rumaysanyahay in uu aadi doono Man City”

Related



Source link