Wargeysyada ayaa shaaca ka qaaday in ciyaaryahanka Manchester United, Anthony, uu hadda halis ugu jiro in laga saaro Kooxda Sabab la xidhiidha dhibaatada uu u gaystay Saaxiibadiis.
Gabriela Calvin, oo ah saaxiibtii hore ee Anthony, ayaa soo gudbisay eedeymo badan oo ka dhan ah ciyaaryahanka reer Brazil, taas oo la xiriirta jirdil iyo gacan ka hadal ka dhan ah iyada.
Anthony ayaa wajahaya baaritaano ay wado maxkamada Sao Paulo, taasoo keentay in laga saaro xulka Brazil ee ciyaaraha bishan.
Sida laga soo xigtay shabakadda Brazil ee “UOL”, Anthony ayaa hadda halis ugu jira in laga saaro kooxda Manchester United, ka dib markii laga saaray xulka qaranka Brazil.
Wararka ayaa sheegaya in maamulka Manchester United uu hadda ka fiirsanayso in ay Anthony Mariso wadadii uu maray xiddiga Mason Greenwood.
Manchester United ayaa ku dhawaaqday in Greenwood uusan mar kale xiran doonin funaanadda Red Devils ka dib markii uu ku lug lahaa kufsi iyo kiisas faraxumeyn ah, inkastoo eedeymaha loo haysto la tuuray.
Related