Muqdisho (soomaalinews.com) – Guddoomiyaha maamulka degmada Warta Nabadda oo shir jaraa’id u qabatay Wariyeyaasha ayaa ka hadashay warar saacadihii ugu dambeeyay lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegatay inay taageertay kooxda Al-Shabaab.

Warkan ayaa soo shaac baxay, kadib markii ay hadal heyn xoogan ka dhalatay kiiska horjooge sare oo shalay iska soo dhiibay Khawaarijta Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabo Nuur-deeq Cabdulaahi Maalinguur, una dhashay beesha Sacad ee Habargidir.

Guddoomiye Seynab Xaabsey ayaa Facebook magaceeda ku qoran lagu yiri “Ma isla soconaa? Waxaa yimid maandheere, soo dhawaaw mudane soo dhawaaw. Inta maangaabka ahna warkooda waa in bartooda loogu tago hadii kale noqda maandheerayaal gacan save ahna soo gala, dalkaan mudo yar kadib waa wada save inshaallah.”

Haddaba Seynab Xaabsey oo arrintan ka jawaabtay ayaa sheegtay in aysan jirin meel ay ku taageertay Al-Shabaab, waxayna tilmaamay inuu ka dhexeeyo dheegeeda oo daata.

“Waxaa aragteen meelaha qaar oo la leeyahay guddoomiyaha Warta Nabadda oo taageereysa Khawaarijta iyo afkooda, saaxibyaalo waxaa idin leeyahay ani Khawaarij kaaf iyo kala dheeri waxa naga dhexeeyana waa inuu dhiigeyga daato oo kaliya” ayay tiri.

Sidoo kale waxa ay tilmaamay in xubin kasta oo ka tirsan Al-Shabaab oo dagaalka lagu soo qabto lasoo xiri doono, halka midka isa soo dhiiba la cafin doono, sida uu horay u ballan qaaday madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh.

“Midka kusoo qabano furinta dagaalka waxaan keeneynaa isaga oo jeebeysan kii isaga oo masaakiinsan oo duleysan ciriirina dareema waan soo dhaweyneynaa, annaga oo madaxweynaha hadalkiisa qaadaneyno” ayay hadalkeeda sii raacisay Seynab Xaabsey.

Ugu dambeyn waxa ay u jawaabtay dad ay sheegtay in ka faafiyeen warar dacaayad ah, isla-markaana ayada lagu sumcad dilayo.

“Marka waxaan leeyahay dadka af Khawaarijta buun buuninaayow idinka iyo annaga waxa noo dhexeeyo waad taqaaniin, annaga Shabaabka iyo inta la shaqeysaba dhiigeyna ayaa isku bannaan” ayay mar kale tiri guddoomiyaha maamulka degmada Warta Nabadda.





Source link