Goolhayaha Kooxda Inter Milan ee Andre Onana ayaa qirtay in aanu hubin halka uu mustaqbalkiisu ku dambayn doono kadib final-kii koobka champions League ee ay kooxdiisu guuldarada kala kulantay Man City.
Goolhayaha reer Cameroon ayaa ku fashilmay in uu joojiyo Goolkii qaybta 2-aad ee uu dhaliay Rodri kooxda Man City-na ku hogaamiyay koobka champions League.
Onana ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda Inter Milan kadib qaab ciyaareedkii fiicnaa ee uu soo bandhigay xilli ciyaareedkan.
Chelsea ayaa doonaysa saxiixa Goolhayaha iyaga oo doonaya in ay ku badalaan Mendy iyo Kepa kuwaas oo la filayo in ay isaga tagaan kooxda xagaagan.
Mar wax laga weydiiyay mustaqbalkiisa, Onana wuxuu yiri:”Ma garanayo”.
“Xaqiiqdu waxay tahay inaan ku faraxsanahay halkan, laakiin markaa heer gaar ah ma ogaan kartid sida ay u socoto”.
“Wax dhibaato ah kuma qabo Inter, waxa xidhiidh fiican la leeyahay kooxda gacantoodana waan ku jiraa”.

Related



Source link