Goolhayaha Kooxda Man United Andre Onana ayaa ka fal celiyay goolkii quruxda badnaa ee laga dhaliyay kulankii ay Man United ka badisay Lens kulan ka tirsanaa Isku diyaarinta kooxda ee xilli ciyaareedka cusub.
Andre Onana ayaa qaatay masuuliyada goolka ay dhalisay Lens kadib markii uu ka soo baxay goolkiisa isaga oo aan is ogayn.
United ayaa 3/1 kaga badisay Lens Laakiin waxa laga dhaliyay gool cajiib ah oo ka mid ah goolasha laga dhaliyo bartamaha goolka.
“Sida aan mar walba yidhaahdo, aniga ayaa ka masuul ah wax walba, gaar ahaan marka goolal nalaga dhaliyo”ayuu Onana yidhi.
“Anigu waxa aan ahay qof weyn oo qaadan kara masuuliyada iyo dhaleecaynta aniga ayaan masuul ka ah”ayuu sii raaciyay.

Related



Source link